Qaramada midoobey oo ku boorisay in la dhaqan geliyo go,aanadii ay wada gaareen golaha wadatashiga

0
352

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in Golaha Wadatashiga Qaran ay shalay gaareen is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in QM aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay ee 25-ka Febraayo.

” QM waxa ay sidoo kale ku dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.