Midowga musharixiinta oo maanta ka qeyb galey kulanka golaha wadatashiga qaranka

0
387

Shirka golaha wadatashiga uga socdey magalada muqdisho ayaa maanta waxaa kasoo qeyb galey Xubno katirsan Midowga Musharaxiinta, waxaana kulankooda uga wada hadlayaan Dardargelinta Arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo sixi lahaa khalalaadkii dhacay.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa la wadaagaya Midowga Musharrixiinta qodobada heshiiska doorashooyinka oo ay wada gaareen Golaha wadatashiga si heshiiska oo lagu wada qanacsan yahay loo soo saaro.

Golaha wadatashiga ayaa horay warbixino iyo talooyin uga dhageystay, Midowga Musharrixiinta, Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaas oo ka qeyb galay kulamadii ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haaya waxa laga filan karo soo geba-gabeynta Shirka Golaha wadatashiga, kaas oo la filayo in saacadaha soo socda Warmurtiyeed laga soo saaro.