Ciidamada dowlada oo mar kale looga digey ku dhex milmida siyaasada

0
527

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa markale waxaa uu uga digay Ciidamada xoogga dalka inay ku milmaam Siyaasadda.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu kuyiri” Iyadoo la dhowrayo Shuruucda Dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qaran ayna ka fogaadaan iney ku milmaan siyaasadda, ama loo adeegsado siyaasadda.

Ugu dambeyn Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ciddii ku cadaato inay ku milantay Siyaasadda laga qaadi doono talaabo waafaqsan shuruucda dalka.