Ciidamo ka tirsan dowlada maanta qarax lagula beegsadey duleedka degmada dhuusamareeb

0
368

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa Maanta qarax lagula beegsaday inta u dhaxaysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud qaraxaasi oo ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, waxaana ku dhintay hal askari halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin qaraxa, waxaana dhanka kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ay sheegteen inay dbimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen 15 kamid ah Askarta dowladda Soomaaliya.