Ciidamada xooga dalka oo howlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka shabelaha dhexe

0
297

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada seddexaad ee qaybta 27aad ayaa waxaa ay howlgalo ka sameeyeen inta u dhaxeyso Degmooyinka Jowhar iyo Balcad, howlgalkaasi oo uu hogaaminaayey Taliyaha howlgalinta guutada sedexaad ahna ku simaha Taliyaha guutada Gashaanle Ismaaciil Kuulow Xasan {TUURE}.

Hawlgalkaan ayaa Al-Shabaab looga saaray deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe. waxaa ka mid ah tuulooyinka laga saaray Golaley Daa’uud, Cadayga , Moorajiido ,jedda, saarsaare, Gumareey iyo waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad oo ay ka saareen Ciidamada walxaha qarxa oo ay horay ugu aaseeyn Al-Shabaab.

Taliyaha howlgelinta Ismaaciil Kuuloow Tuure oo ka warbixiyay ujeedka hawlgalka ay sameeyeen ayaa sheegay in uu yahay mid lagula dagaalamayo Al-Shabaab, maadaama shacabka deegaannadaan ay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen.

Dhanka kale Taliyuhu wuxuu kormeer ku tegay Taliska ururka 19 ee Guutda Sedexaad ee fadhigiisu yahay Qalimow, wuxuuna kula dardaarmay in ay gutaan wajibaadka, kana foogaadaan waxkastoo dhaawacaya Qarannimada.