Wakiilada farmaajo u fadhiya shirka oo qodobada qaar diidan in la isku raaco

1
271

Qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u diiday in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho uu isku raaco in amniga dalka lagu soo wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ku gacan seeray arrintan, ayaga oo ku dooday in amniga dalka uu ka baxsan yahay arrimaha doorashada.

Waxay sidoo kale sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu horey amniga doorashada ugu wareejiyey ra’iisul wasaaraha.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo si toos ah ugu xiran shirkana ku metala Farmaajo ayaa sidoo kale diiday in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada lagu koobo 135-tii oday ee heer federal.

Qodobkan ayaa ka mid ahaa qodobo ay shalay dalbadeen Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo qoraal ay soo saareen ku yiri “Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka waa in ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii oday dhaqan. Waana in la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu billaaban.”

1 COMMENT

  1. Wey ku saxan yihiin in ay diidan labada qodob ee lagu burburinayo qaranimada somaliya m.kg lafta iyo m.gm qoor

Comments are closed.