
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macalimow ayaa beeniyay warar saacadihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay baraha bulshada kuwaa oo ku aadan inuu fashil ku dhaw yahay shirka u socda Golaha Wadatashiga Qaran.
Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran waxa uu galay maalinkii 4aad, waxa socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay.
Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.