
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland.
Kulanka dhexmaray Rooble, Axmed Madoobe iyo Saciid Dani ayaa ahaa mid ay uga wada arinsanayeen qabanqaabada shirka Golaha wadatashiga Qaran ee lagu dardar gelinayo howlaha doorashooyinka dalka.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho shirka Golaha wadatashiga qaran, kaasoo baaqday todobaadkii lasoo dhaafay kadib khilaaf culus oo soo kala dhex galay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.
Waxaa haatan magaalada Muqdisho ku sugan oo diyaar u ah ka qeybgalka shirka wadatashiga madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle.