Shekh mukhtaar rooble oo la sheegay in laga rarey hoygii uu horey u degenaa

0
292

Sheekh Mukhtaar Roobw Cali Abu Mansuur ayaa lagala baxay hoygii uu Muqdisho ka deganaa, ee uu xabsi guriga ugu jiray, waxaa sidaas sheegay xubno ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo.

Dr. Maxamed Nuur Bilaal, oo ah xoghayaha Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu guddoomiyaha ka ahaa Abuu Mansuur, ayaa Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho u sheegay in loo soo sheegay in Roobow lala baxay habeenkii 29-ka December, islamarkaana la geeyey xarunta Habar Khadiijo ee NISA.

Dr. Maxamed ayaa sheegay inay hadda jirto khatar ay wajaheyso nolosha Abu Mansuur, isaga oo intaas ku daray in sababta Mukhtaar Roobow loogala baxay guriga ay tahay in lagala cararo cadaaladda, kadib markii uu wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur dalbaday warbixin ku saabsan xaaladda Roobow.