Golaha wasiirada oo isku raacay in la sameeyo gudi baara dhacdadii 27ka decembar

0
387

Shirkii ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliyabxalay ayaa waxaa ay kaga hadleen dhacdadii todobaadkan ka dhacday Gudaha Villa Somalia ee la sheegay in Ciidamada lagu geeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha ayaa cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday Xarunta Gollaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaas.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday hey’adaha dastuuriga ee dalka ,isaga oo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabi dooni guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.