
Hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed ee ka amar qaata villa somaliya ayaa lagu qasbey in uu ka qeyb galo kulanka uu ciclaamiyey reysulwasaaraha xukuumada federaalka somaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Lafta gareen ayaa dhawaan shaaciyay inuusan ka qeyb gali doonin shirka wadatashiga, isagoo u sababeeyay faro galin uu raysal wasaare Rooble ku sameeyay guddiga hirgalinta doorashada aqalka hoose ee heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed.
Hadalka lafta gareen uu ku andacoonayey xiligaas ayaa ahaa hadal waxba kama jiraan ah maadaama amarka in uusan ka qeyb galin kulan si horu dhac ah looga soo siiyey villa somaliya taasoo dadku ay horey u wada ogaayeen.
Culeyska kaga yimid beesha caalamka ayaa ku qasabtey lafta gareenin uu dib uga laabto qoraalkii uu ku diidayey in uu ka qeyb qaato kulanka taasoo weji gabax badan uu kala kulmi doono dhanka reysulwasaaraha.
