
Wasiirka amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay go’aan uu shalay soo saaray oo la xiriiray isbedelka ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde, inuu quseeyo kaliya Ciidamada dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka).
Wasiirka amniga ayaa sheegay go’aankiisa inuusan quseeynin Ciidamada gacanta ku haya baraha Koontoroolada ee garoonka.
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shalay ku amray taliyaha ku meel gaarka ah ee hay’adda Nabadsugida in ciidanka NISA aysan ka shaqeyn karin garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wasiirka ayaa faray taliska NISA in ciidanka uu kasoo saaro garoonka, islamarkaana amniga guud ee garoonka inuu ku wareejiyo ciidanka Booliiska Soomaaliya.
