
Dowladda Maraykanka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegtay inuu taageero shirka golaha wadatashiga qaran ee raysal wasaare Rooble uu hormuudka u yahay, si loo dhameystiro doorashada.
Maraykanka wuxuu u sheegay madaxweyne Farmaajo in si degdega ah loogu baahan yahay in la joojiyo hadalada sii hurinaya colaadda ayna ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ka ahaan arrimahan.
“Waxaan kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ku taageero raysal wasaare Rooble inuu isugu yeedho golaha wadatashiga qaran, si loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg ah,” ayuu yiri uqeybsanaha Maraykanka ee arrimaha Afrika.


