
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Safiiradda Dowladda Ingiriiska ufadhisa Soomaaliya Danjirad Kate Foster.
Qoor qoor iyo Danjiradda ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo ee la xiriira khilaafka Farmaajo & Rooble iyo arrimaha doorashada dalka.
Dhankeeda Safiirka Somaaliya u fadhisa Ingiriiska Kate Foste ayaa waxaa ay Madaxweyne Qoor Qoor uga mahad celisay dadaalkooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka, waxaayna ugu baaqday inay dardar geliyaan.
Safiirada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadanayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyaga ugu baaqay in xaaladda la dejiyo, isla markaana doorashooyinka la dhameystiro.