
Dad is abaabulay ayaa Maanta waxaa ay dibadbax ka dhigeen meelo kamid ah Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, kaas oo ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan afgambi ay sheegeen in uu doonayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin,( AFGEMBI MAYA DOORASHO HAA) iyo Erayo kale, waxaana ay soo mareen waddooyinka qaar ee Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa ay sheegeen in banaanbaxa ay hor-istaageen Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) & Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud (Qaroole).
Taliyeyaasha lagu eedeeyay inay banaanbaxa joojiyeen ayaan weli ka hadlin, waxaana tani qeyb ka tahay khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.