Wasiirka amniga oo hay’ada nisa u qabatey muda 48 saacadood iney kusoo gudbiyaan warbixinta ku saabsan xariga mukhtaar roobow

0
393

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray taliyaha kumeel gaarka ah ee hay’adda NISA inuu muddo 48 saac gudahooda kuso gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xariirta xariga Mukhtaar Roobow Cali.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in qoyska Mukhtaar Rooboow iyo wakiilada matala ay cabasho ka muujiyeen xaalada Caafimaad, islamarkaana ay doonayaan iney cadaalad helaan.