
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn jabiyey xayiraaddii uu saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , isaga oo tegay xafiiskiisa.
Rooble oo ay wehliyaan taliyeyaasha Xoogga, Booliska iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa waxa ay ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay isku dayeen inay hor istaagaan kolonyadiisa, balse wuxuu kadib lug ku galay xafiiskiisa, isaga oo jabiyey xiyaaradda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa muujinaya dhabar adeeg xoog leh, wuxuuna haatan si caadi ah u bilaabay shaqadiisa.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa isna isku dayaya inuu shaqada ka joojiyo ra’iisul wasaaraha oo ay haatan isku hayaan arrimaha doorashooyinka.

