Wasiirka gaashaandhiga oo fariin adag u direy ciidamada qalabka sida

0
822

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya faray in ay ilaaliyaan dhex dhexaadnimadooda sida ku cad Dastuurka JFS qodobkiisa 129-aad.

Cidna looma ogolaan karo in ay ciidamada u adeegsadaan danahooda siyaasadeed ayuu yiri” Wasiirka.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in” Waxaan ku jirnaa wakhti kala guur ah, waa in ciidamadu ilaaliyaan sharciga una hoggaansamaan xeerarka anshaxa ee Ciidamada Qalabka sida.

” Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waa in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasadda waana in aysan qaadan awaamiir walba oo hareer marsan sharciga”.