Madaxweyne farmaajo oo shaqo joojin ku sameeyey reysulwasaare rooble

0
459

Madaxweyne Farmaajo ayaa shaqo joojin ku sameeyay raysal wasaare Rooble sida lagu sheegay wareegto xalay saqdii dhexe kasoo baxday madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabab uga dhigay shaqo joojinta ku takrifalka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada oo lagu eedeeyay raysal wasaare Rooble.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in raysal wasaaruhu fara galin ku sameeyay baarista socota, kadib markii uu beddelay wasiirkii gaashaandhigga oo gacanta ku hayay baarista musuqmaasuqa dhul dan guud ee ciidanka.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Raysal wasaaraha laga joojiyay awoodaha uu leeyahay, tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo.

Waa markii labaad oo madaxweyne Farmaajo uu shaqo joojin ku sameeyo raysal wasaaraha tan iyo markii uu soo kala dhex galay khilaafka arrimaha doorashada la xiriira.