Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ka degey in dalka aan loo horseedi khalalaase keeni karta amni daro

0
325

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo war qoraal ah oo uu soo saaray ku baaqay inaan khalalaase siyaasadeed oo amni darro horseeda aanan dalka la galinin.

Senatar Cabdi Xaashi oo sidoo kale ka jawaab celinaayay hadalkii guddoomiye Maxamed Mursal ayaa ku tilmaamay mid baal marsan sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo, islamarkaana uu ahaa mid lagu qalqal galinaayo xasilooni daro siyaasadeed oo halis ku noqon karta dalka.

Waxaa sidoo kale uu sheegay guddoomiye Xaashi in hogaanka doorashada ay leeyihiin Golaha wadatashiga Qaranka oo uu hoggaamiyo raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.