
Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran
Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”
Safiirka UK, Kate Foster ayaa iyana tiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto. Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hanaanka doorasho ee Soomaaliya.”
Warka kasoo baxay Mareykanka iyo UK ayaa muhiim u ah ra’iisul wasaare Rooble, xilli madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna iclaamiyey shir kale oo lagu carqaladeynayo midka Rooble.
Qoraalka Mareykanka iyo UK ayaa yimid saacado kadib markii uu soo dhammaaday kulan uu hab fogaan arag ah ra’iisul wasaare Rooble kula yeeshay wakiilada beesha caalamka.