Wasiirka diinta iyo awqaafta oo sheegay in lacag baad ah lagu qaado jidgooyada yaala isgoysyada magalada muqdisho

0
207

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay iney soo gaartay cabasho la xariirta ciidamada dowladda, kuwa ka howlgala Isgoysyada magaalada Muqdisho iney lacago baad ah ay ka qaataan gadiidka dadweynaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ee ka howlgala baraha koontaroolada ay gadiid kasta waydiiyaan lacago, hadii aysan bixina ay dib u celiyaan, taasoo uu sheegay iney sumcad darro ku tahay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu baaqay laamaha amaanka dowladda iyo cid walba ay quseeyso arintaan laga soo cawday iney wax ka qabtaan, si meesha uga baxdo dhaca dadban ee lagu haayo gaadiidleyda.