
Wasaaradda Warfaafinta Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku wargelisay dhamaan Warbaahinta iyo Ururada Saxaafadeed ee ka howlgalla degaannada Maamulkaas inay is soo diiwaan galiyaan.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradaas Maxmed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa lagu sheegay in, iyaga oo ka duulaya dardargalinta howlaha Wasaaradda, iskuxirka iyo kawarqabka hey’adaha warbaahineed ee ka howlgala Hirshabeelle, maankana ku haya muhiimadda ey warbaahintu u leedahay horumarka bulshadda iyo dhismaha dowladnimadda la farayo dhamaan hey’adaha iyo ururadda saxaafadda ee ka howlgala Hirshabeelle. in mudo bil gudaheed ah(12Dec-12jan) ay isaga diiwaangaliyaan Wasaaradda Warfaafinta, DHaqanka iyo Dalxiiska.

