Ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka shabelaha hoose

0
170

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka fuliyeen tuulooyinka Gambaarey iyo Da’waalle ee gobolka Shabeellaha hoose waxa ay sheegeen inay ku dileen 5 ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabeeladda hoose halkaas oo ciidamadu ay sheegeen in ay kasoo abaabuli jireen weerarada ka dhanka ah ciiddanka dowladda.

Saraakiil katirsan ciiddanka oo la hadlay warbaahinta ciiddamada qalabka sida ayaa sheegay inuu howlgalkaan qeyb ka yahay howlgallo Alshabaab looga sifaynayo deegaanada aay gobolka kaga sugan yihiin.