Madaxda maamul goboleedyada iyo reysulwasaaraha oo ka wada hadley arimaha doorashooyinka

0
184

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulankaas u dhaxeeyay Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug,Koofur Galbeed,Jubald,HirShabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Maamul Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.