
Warqad kasoo baxday Xafiiska garyaqaanka guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya , Dr; Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa ka digay in la boobo dhulka dowladda ay leedahay, iyadoo loo marayo sifo aan sharci ahayn.
Gar-yaqaanka ayaa u digay hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta ee ku howlan qabsashada cabirashada ama wax kasta oo wax ka beddelaya asalka dhulalkaas inay ka waantoobaan.
Warqadaan oo sigaar ah ugu socotay Maamulka degmada Afgooye ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dhulalka danta Guud ee degmada ay boobayaan dad Shacab ah, iyaga oo garab ka helaya dad mas’uuliyiin ah.

