Reysulwasaare Rooble oo safar dhulka ah ku tegay degmada balcad

0
262

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goordhaw waxay safar dhulka ah ku gaareen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Safarka Raysal wasaaraha iyo madaxweynaha Hirshabeelle ku gaareen degmada Balcad waxaa qeyb ka ah Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle.

Amaanka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wado kasta lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ilaalada Raysal wasaaraha iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Safarka Raysal wasaare Rooble ee degmada Balcad ayaa lagu sheegay ujeedkiisa inuu yahay u kuur galida xaaladaha amni iyo mida nololeed ee degmada Balcad iyo halka ay marayaan dhismaha wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.