Alshabab oo dhow madaafiic ku weerarey saldhig ay ciidamada kenya ku leyihiin jaziirada khudaa

0
255

Dagaalamaayasha Al-shabaab ayaa weerar madaafiic ah waxay ku qaadeen Saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka Kudhaa oo la hadlay Warbaahinta waxay sheegeen iney maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ay sheegeen iney ku dhaceen gudaha xerada ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, islamarkaana aysan sheegi karin khasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarka madaafiicda ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Kenya ee Kudhaa ayaa waxay sheegeen in ilaa 50 madfac ay la beegsadeen gudaha Saldhiga ciidanka Kenya , islamar ahaantaana khasaare xoogan ku gaarsiyeen ciidamada Kenya.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Kenya dhankooda ay ka jawaab celiyeen weerarka madaafiicda ah ee Al-shabaab ku qaadeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaanada ku dhow dhow deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, inkastoo aanan wali la xaqiijin khasaaraha ka dhashay madaafiicda jawaab celinta ahaa ee ciidamada Kenya tuureen.