Haweenka lascaanood oo soo dhaweeyey raafka lagula kacay shacabka digil iyo mirifle

0
302

Qaar kamid ah haween waynaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumada Somaliland ku masaafurinayso dadka reer koonfureedka ah ee ku dhaqnaa gobolka, waxayna ku eedeeyeen in bulshadaasi ka danbeeyeen dilalkii ka dhacay Laascaanood.

Haweenka oo iskugu yimid mid kamid ah hoteelada magaalada Laascaanood, ayaa muujiyay in ay xukuumada ku garab taaganyihiin howgalka lagu tarxiilayo dadka reer Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

Haweenka ayaa si gaara bulshada reer Koonfur Galbeed ee gobolka ku dhaqnaa ugu eedeeyay amnidarada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhici jiray magaalada Laascaanood, iyagoo codsaday in dhulkooda si nabad ah loogu celiyo.

Waxay sheegeen in Somaliland iyo Soomaaliya kala laba dal yihiin isla markaana loobahanyahay in qolo waliba waddankeeda iyo maamulkeeda ku noqoto.