Madaxweyne Farmaajo oo maanta safar ugu ambabaxay dalka itoobiya

0
236

Madaxaweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw u duulay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah madax kala duwan oo lagu casuumay ka qeybgalka Caleema saarka Raysal wasaaraha dalka Itobiya Abiy Axmed oo bishii june ee sanadkan ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Itobiya.

Safarka madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya uu saaka ku aaday ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dal dibadda ah ugu ambabaxo tan iyo wixii ka dambeeyay 25 April ee sanadkan .