Ha’ada bini’aadanimada ee qaramada midoobey oo cambaareysey falkii laascaanood

0
288

Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ayaa aad u cambaareeyay xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland kasoo barakacisay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.

Wada hawlgalayaasha bani’aadamnimada ayaa sheegay in ay isku –dubbaridayaan qiimeyn bani’aadamnimo oo deg -deg ah, si loo dejiyo tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulka Puntland, si loogu helo hoy ku-meelgaar ah.

UNOCHA ayaa ku boorisay Somaliland in ay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay helaan xal waara oo lagu xushmeynayo xuquuqda iyo sharafta dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

Dadka sida khasabka ah looga barakicinayo Laascanood, ayaa halkaas ku noolaa muddo ku dhow 20 sano. Waxayna hadda u nugul yihiin cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladdahooda bani’aadamnimo.