Maamulka Somaliland oo u hajnabey qaar ka mid ah ergadii dooratey xildhibanada aqalka sare

0
229

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ogtahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb galay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana, talaabo laga qaadi doono.

Saylici ayaa sheegay in xildhibaannada la doortay ee dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay Somaliland matalaan, anay Somaliland matalin, isla markaana, anay xukuumada Somaliland aqbali doonin.

Saylici ayaa intaa raaciyay in xuukamada Somaliland ay ka xuntahay, in Qaramada Midoobay ay goob joog ka tahay doorashadaa isla markaana, anay waxba ka odhan, isagoo sheegay in Somaliland ay ogtahay ergada wajiga qarsatay, isla markaana, la xidh xidhi doono markay Somaliland kusoo noqdaan.

Ergada u codaynaysay xubnaha Somaliland kasoo jeeda ee u ordayay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa afka duubtay, iyaga oo iska qarinaya warbaahinta maadama ay ahayeen dad reer Somaliland ah oo raba in ay berri ka maalin Somaliland kusoo noqdaan.

Amb: Safiina oo ah afhayeenka Guddida Doorashooyinka Soomaaliya, oo MMTV way diiyay sababta ergadu madaxa u duubteen ayaa ku jawaabay “in xubnaha ergadu ka taxadarayeen caabuqa Covid-19, oo ay yara qalad fahmeen habka loo xidho afsaabka, isla markaana, ay siin doonaan wacyigalin dheeraad ah”.