Ahlusuna iyo maalmulka galmudug oo ku dagaalamay deegaanka bohol

0
366

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu sunna Waljameeca oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Bohol oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid dagan waxaana gacanta ku hayo ciidamo taabacsan Ahlu Sunna oo Shalay galab dagaal rogaal celis ah ku qabsaday deegaanka Bohol.

Waxaa socdo abaabul dagaal oo labada dhinac ah, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale qarxo dagaal culus, iyadoo warar aan la hubin ay sheegayaan in qaar ka tirsan ciidamada Galmudug ay u goosteen dhanka Ahlu Sunna.

Odayaasha dhaqanka deegaanada Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa wado dadaalo lagu dajinayo xaaladda, balse waxaa muuqato in labada dhinac aysan diyaar u aheyn wada-hadal.

Madaxdii maamulkii Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, balse ay bilaabeen abaabulo kala duwan iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal.