
Guddoomiyihii hore golaha shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka.
Jawaari ayaa marka hore soo saaray fariin la xiriirta doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, taasoo qorshuhu yahay in dhowaan la guda-galo.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in golaha shacabka uu saldhig u yahay dowladnimada, maadaama lagu go’aamiyo xal ka gaarista go’aanada culus.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan-yahay in xubnaha la soo xulayo ay noqdaan kuwa leh karti iyo aqoon, si loo doorto xildhibaano tayo leh.
