Reysulwasaare Rooble oo ka hadley arimaha doorashooyinka dalka

0
202

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad manta ka jeediyay hadal jeedinta musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa ka hadlay khilaafka, isaga iyo Farmaajo, Arrimaha doorashooyinka iyo Kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in todobaadka Gudhiisa ay soo geba-gabeeynayaan doorashada doorashada aqalka Gobolada Waqooyi sare ee Somaliland.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Guddiyada , odayaasha ergooyinka ah ee wax dooranaya inay ay ilaaiyaan hufnaanta doorashada , sidoo kalena dowlad Goboleedyada looga baahan yahay in ay soo dhameystiran doorashada ASqalka Sare, isla markaana ay bilaabaan doorashooda golaha shacabka .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in mar walba uu khilaaf iska yimaado balse uusan aheyn wax weyn, isla markaana ay iska dhamaan doonan.