Alaha u naxariistee waxaa maanta magalada muqdisho ku geeryoodey Cabdi muriidi dheere ( Ajakis),

0
426

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Magalada Muqdisho ku geeriyooday Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Cabdi muriidi dheere oo loo yaqaanay ( Ajakis), kaasoo malmihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.

Maamulka Tv-ga Universal Xaruntiisa Magalada Muqdisho oo uu kamid ahaa howl-wadeenadiisa aya xaqiijiyay geerida Ajakis, kasoo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho.

Cabdi muriidi dheere ( Ajakis) ayaa, isaga oo ku sugan Hooygiisa waxaa todobaadkii hore kusoo booday xanuun dhanka Sambabada ah, kaasoo ugu dambeyn uu Maanta u geeriyooday.