Hadal jeedinta Musharixiinta aqalka sare ee gobolada waqooyi oo dib loo dhigey

0
192

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay in dib loo dhigay hadal jeedintii Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare ee Somaliland oo lagu waday iney maanta dhacdo.

Guddiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku shaaciyay in dib loogu dhigay hadal jeedinta Musharaxiinta sababo aysan sheegin, balse ay sheegeen iney dib kasoo sheegi doonaan waqtiga Musharaxiinta khudbadahooda jeedin doonaan.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dib u dhacan uu yimid kadib markii la sheegay in xalay Madaxweyne Farmaajo uu madaxtooyada ugu yeeray sideed ka mid ah oday dhaqameedyada ugu saameynta badan ergada gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada kuraasta xubnaha Aqalka sare ku matalaya Somaliland ee dib u dhaca ku yimid ayaa lagu waday in maalinta berito oo Talaado ah ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.