
Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa habeenkii xaley ku qaabilay hoyga uu ka degan yahay nawaaxiga Garoonk diyaaradaha Taliyihii hore Nabadsugida Fahad Yaasiin iyo xubno la socday.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha weli taagan ee khilaafka, iyadoo xilligan loo arko in Madaxweyne Qoorqoor uu yahay gabaadkaugu weyn ee Villa Somalia heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble.
Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli amnigiisa sugaya Ciidanka Waran ee NISA.
Si kastaba arintu ha ahaatee Fahad Yasiin ayaad moodaa inuu weli saameyn ku leeyahay arrimaha Nabadsugida oo aanu faraha kala bixin, iyada uu maanta la wareegay xilka La Taliyaha Amniga Qaranka.
