
Masuuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen xarunta degmada marka Degmada Marka, kaas oo looga hadlayay amniga degmada.
Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Degmada Marka Cabdullahi Cali Axmed Waafoow, waxaana ka qeybgalay Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Ururka 14aad ee Guutada 14-ka Oktoober, Ciidamada Nabad-Sugida Booliska iyo Gudoomiye ku Kuxigeenka Amniga.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada & Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay kulanka kasoo saareen go’ano la xiriira dhanka amniga iyo sidoo looga hortegi laha weerada Al-Shabaab.
Gudoominayay Gudoomiyaha Degmada Marka ahna Duqa Degmada Cabdullahi Cali Axmed Waafoow ayaa faray saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Magalada Marka iyo degaannada hoostaga.
