Alshabab oo weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen degmada xudur

0
422

Dagaal u dhaxeeyay Ciudamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyah kadib markii Al-Shabab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan degmada Xudur ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in dagaalka oo aad u cuslaa uu muddo ku dhow saacad ka socday Salshiga Ciidamada dowladda, balse aysan sirasmi ah u xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska dufaaceen weerarkii kaga yimid dbinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaal kooban oo dhacay ay ku gaarsiiyeen qasaaro xoogan.