Hadal jeedinta musharixiinta aqalka sare ee gobolada waqooyi oo maanta ka bilabatey xerada afisiyooni

0
157

Magaalada Mudisho gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay hadal jeedinta xubnaha musharixiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo furay hadal jeedinta musharixiinta, wuxuuna sheegay in tani ay muujineyso hore u socodka doorashooyinka bilowday ee ka dhacaya guud ahaan dalka.

Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in Isbuuc gudihiis ay ku soo dhammaan doonto doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, isaga oo kula dar-daaramay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee gobollada waqooyi inay ka shaqeeyaan cadaaladda doorashadaasi.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda-galay khudbad jeedinta musharixiinta isku soo sharraxay kuraasta gobollada waqooyi ee ku tartamaya 11 kursi ee Somaliland, waxaana hadalka ugu horreeyey Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la tartami doono Saciid Cumar Xuseen.

Musharixiinta ayaa la siiyey ugu badnaan illaa 10 daqiiqo, waxaana guddiga uu shaaciyey in isla maanta lasoo gaba-gabeyn doono dhammaan hadal-jeedinta musharixiinta.