Boliiska oo ka hadley qasaaraha ka dhashay qarixii ka dhacay isgoyska ceelgaab

0
361

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta.

Cabdifitaax Aadan ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey, watayna gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna sheegay inuu soo dhex-galay baabuur lagu baariyey koontaraalka laga galo madaxtooyada ee ku yaalla dhanka Beerta Nabadda.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed oo qof oo mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada, halka 7 kale uu ku sheegay shacab.

Dhaawac ayuu sidoo kale sheegay inuu gaarayo illaa 9 qof, kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada caafimaadka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale xusay in dadka ku dhintay qaraxan ay ku jiraan hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo la socday gaari xilligaas marayey wadada.