
Golaha midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray war saxafadeed ay kaga hadalayaan qodobo muhiim ah oo la xiriira xaalada dalka, arrimaha doorashooyinka, amniga dalka, kiiska Ikraan Tahliil iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin wadahadaladii lagu dhex dhexaadinaayay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ee labada jeer fashilmay.
War saxafadeedka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta oo ka koobna lix qodob ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobadiisa in Midowga Musharaxiinta ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo abaabulka ay wadaan madaxweyne Farmaajo iyo taliyahii hore ee Nabadsugida qaranka Fahad Yaasiin oo ay ku doonayaan iney ku carqaladeeyaan arrimaha doorashooyinka dalka, islamarkaana waxay sheegen ineysan aqbali doonin iney dhacdo sidaasi.


