Qarax goor dhaweyd ka dhacay isgoyska ceelgaab ee magalda muqdisho

0
286

Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya qaraxa ayaa sheegaya inuu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo ku qarxay Isgoyska Ceelgaabta, gaar ahaan barkoontarool oo laga ilaaliyo wadada gasha madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas farabadan oo la sheegay iney fureen ciidamada Booliiska Soomaaliya, hayeeshee wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ahaa.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw isna xaqiijiyay in qaraxa dhacay uu ahaa mid Ismiidaamin ah, islamarkaana loo adeegaaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh walow uusan sheegin tirada ku waxyeeloowday qaraxa Ismiidaaminta ah.