Reysulwasaaraha iyo Madaxda mamul goboleeyada oo xalay kulan ku yeeshay qadka zoomka

0
205

Shir u dhaxeeyay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa xalay ku qabsoomay qadka Zoomka, kaas oo looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shirkaas waxaa xalay diiradda lagu saaray dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa warbixin looga dhageystay guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo shirka ka qeyb galay.

Shirkaan ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Maamul Dowlad Goboleedyada ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la baajiyey shir kale oo madaxda dowlad goboleedyada ay horay u iclaamiyeen in Talaaladii shalay lagu qabto magaalada Garowe.