Tuulo hoostagta degmada baraawe oo qarax ka dhicay

0
201

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Tuulada Ambareyso oo 5km u jirta degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo madax ka ah xerada uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in 7 Ruux oo ah Ciidmada ku sugnaa Goobta ay qaraxa ku dhsawacmeen.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay qaraxaasi ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab, waxaana uu sicad u sheegay inay la dagaalamayaan Al-Shabaab.

Qaraxaan khasaaraha geystay ee ka dhacay tuulada Ambareeyso ee degmada Baraawe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Magaalada Marka uu ka dhacay qarax uu ku qarxay Ruux la sheegay in uu diyaarinayay.