
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaa ay xukuno kala duwan ku riday laba Nin oo ahaa Ajaanib laguna helay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan.
Labada Nin oo Magacyadooda lagu kala sheegay Darren Anthony Byrness oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid oo u dhashay dalka Maleysia ayaa Maxkamadda Ciidamada ku heshay inay muddo la Shaqeeynayeen Ururka Al-Shabaab ee ka howlgalla Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya ay soo kala galeen sanadihii 2009 iyo 2010.
Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Darren Anthony Byrness uu la soo Shaqeeyay madax badan oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale uu kamid ahaa rag qorsheeyay inay weerar ka fuliyaan dalka faransiiska, sidoo kalena uu ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid oo u dhashay dalka Maleysia Al-Shabaab dhexdiisana looga yaqaano Al-Ansaar uu sanadkii 2009-kii uu ku buuray Al-Shabaab, isla markaana uu ka qeyb qaatay dagaalkii Gobolka Galgaduud Al-Shabaab kula galeen Ahlusunna Wal-Jamaaca.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Darren Anthony Byrness & Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid lagu xukumay min 15 sano oo Xabsi ciidan ah, isla markaana ay heystaan muddo 30 Cisho ah oo ay racfaan ka qaadan karaan xukunka.