Inta badan maamulkii isbaarooleyda degmada afgooye oo xilka laga xayuubiyey

0
134

Wasiirka wasaraadda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Maamulka drgmada Afgooye, isaga oo mas’uuliyiin Cusub Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa laguu magacaabey Maamulka cusub ee Degmada Afgooye, kuwaasi oo ka kooban 6 xubnood.

Maamulkii ka dhisnaa degmada afgooye ayaa intiisa badan ahaa maamul la dhisey xiligii cabdullahi yusuf iyo weliba cabdi qaasin kolka laga reebo gudoomiyaha degmada oo isna dhawaan la magacaabay.

Degmada afgooye ayaa ah isha ugu weyn ee kasoo xaroota dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tashado maamulka koonfur galbeed walow aysan jirin wax loogu qabto shacabka degmada afgooye.