Fahad Yasin oo saka kasoo degey garoonka aadan cade ee magalada muqdisho

0
409

Waxaa subaxnimadii hore ee Saakay soo gaaray magaalada Muqdisho taliyahii hore ee Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin haatana ah Lataliyaha amniga qaranka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan dhinaca amaanka dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay imaatinka Fahad Yaasiin oo ay sheegeen in diyaarad qaas ah ah ay Saaka keentay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Jimcahii lasoo dhaafay oo ay taariiqdu aheyd 17-kii bishaan ayay aheyd markii diyaarad uu la socday Fahad Yaasiin oo kasoo duushay dalka Turkiga laga celiyay dalka Jabuuti.

Waxaa sidoo kale jiray inuu baaqday shirkii guddiga amniga qaranka ee lagu waday inuu dhaco 18-kii bishaan kaasoo oo uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo, qorshuhuna ahaa inuu ka qeyb galo Lataliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.