Jadwalka doorashada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo maanta soo baxay

0
165

Guddiga doorashada Xildhibaanada labada Aqalka ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka dooraashada kuraasta Aqalka sare xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraasta doorashada xubnaha Aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood ayaa lagu wadaa iney qabsoonto dhamaadka bishaan.

Maalinta berito oo khamiista ah waxaa bilaaban doona diwaangalinta Musharaxiinta iyo Shahaado siintooda, waxaana dooraahada ay dhici doonta 28-ka bishaan oo ku beegan Khamiista soo socota, islamarkaana ay ku eg tahay 30-ka bishaan.